Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

MW Xasan Shiikh oo fasaxay Bannaanbaxa Mucaaradka ayaa hal qoddob ku baaqay

MW Xasan Shiikh oo fasaxay Bannaanbaxa Mucaaradka ayaa hal qoddob ku baaqay

Kulan degdeg ah oo ay maanta isugu yimaadeen Saraakiisha Amniga ee Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa looga hadlay bannaanbaxa ay Mucaaradka qorsheeyeen in ay ku qabtaan magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Cumar ayaa shaaciyay in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud si buuxda u fasaxay bannaanbaxa Mucaaradka, balse uu ku baaqay in nabadda la wada ilaaliyo.

“Bannaanbaxa waxaa loo asteeyay inuu ka dhaco Garoomada Kubbadda Cagta ee Stadium Muqdisho, Eng Yariisow, Jaamacadaha” ayuu yiri Saalax Cumar.

Sidoo kale, Xubnaha Mucaaradka ayaa looga digay in ay qaadaan tillaabooyin wax u dhibaya Amniga magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka, iyadoo la mamnuucay nuuc kasta oo hub sharci darro ah.

Muqdisho waxaa saacadihii la soo dhaafay ka socday dhaqdhaqaaqyada ay wadaan Xubnaha Mucaaradka oo doonaya in ay qabsadaan bannaanbax.

Lama oga in Xubnaha Mucaaradka ay aqbali doonaan in ay isugu soo baxaan saddex goob ee ay u asteysay Dowladda Federaalka.