Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saraakiisha Ciidamada Dowladda kala hadlay dardargelinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee HirShabeelle

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saraakiisha Ciidamada Dowladda kala hadlay dardargelinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee HirShabeelle

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidamada Federaalka iyo kuwa Dowlad-Goboleedka HirShabeelle isaga oo kala hadlay dardargelinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’

Warbixin la xiriirta nabadgalyada ayuu ka dhagaystay saraakiishaas, waxaa xigay in uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kula dardaarmay dardargelinta howlgallada ‘AS’ looga qabsanayo deegaannada ay ka joogaan Dowlad-Goboleedka HirShabeelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ciidamada iyo Saraakiisha ku dhiirrageliyay in ay xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ee Dowlad-Goboleedka HirShabeelle.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhaqdhaqaaq ciidan kawada deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka HirShabeelle, waxaana ay ku goodisay in ay gacanta ku dhigi doonto deegaannadaas ka maqan ee ‘AS’ ay ku sugan yihiin.