Monday, July 27, 2026
HomeSPORTSGabdhaha Soomaaliya oo 8-2 Ku Garaacay Sudan Tartanka CECAFA

Gabdhaha Soomaaliya oo 8-2 Ku Garaacay Sudan Tartanka CECAFA

Gabdhaha 17-jirada Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa guul taariikhi ah ka gaaray dhiggooda dalka Sudan, kadib markii ay 8-2 ku garaaceen kulan ka tirsanaa tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika CECAFA ee ka socda magaalada Dar es Salaam ee wadanka Tanzania.


Guushan ayaa bog cusub u furtay taariikhda kubadda cagta haweenka Soomaaliyeed, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee xul qaran oo gabdho ah ay guul ka gaaraan tartan kubadda cagta ah.


Inkasta oo Ocean Queens ay ka hareen tartanka, kadib guuldarrooyin ay kala kulmeen xulalka Tanzania iyo Kenya oo ay ku wada jireen Group A, haddana ciyaartoydu waxay soo bandhigeen dadaal, karti iyo isku-duubni aad loogu amaanay.


Ka qeybgalka tartankan ma ahayn oo keliya tartan ciyaareed, balse wuxuu astaan u yahay horumarka kubadda cagta haweenka Soomaaliya, isagoo muujinaya adkaysi, rajo iyo dadaal dheer oo looga soo gudbay caqabado badan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments