Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

MW Xasan Sheekh oo xarrig jaray Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Dib u dhis lagu sameeyay

MW Xasan Sheekh oo xarrig jaray Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Dib u dhis lagu sameeyay

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarrig jaray Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiiska oo ku taalla Degmada Boondheere kaddib markii dib u dhis lagu sameeyay.

Xaruntaan oo horay looga saaray Dadkii Degenaa waxaa muddooyinkii dambe lagu sameeyay dib u dhis iyada oo maanta si rasmi ah loo xarrig jaray, wixii hadda ka dambeeya waxaa ku howlgalaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha sida ay sheegeen mas’uuliyadda Wasaaraddaas.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya & Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa 24kii saac gudahood waxa ay ku xarrig jareen Xarumo Dowladeed oo dib u dhis ay ku samaysteen Wasaaradaha ku shaqeeya.

Horay waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u sheegay in dhulka Danta guud ah ee dadka rayidka ah laga saaray qaarkood ay dib u dhisanayaan Wasaaradihii ku shaqaynayay oo qaarkood dib u dhis lagu sameeyay.