Iran iyo Mareykanka ayaa sii ballaarinaya weerarrada ay is-weydaarsanayaan
Kacaanka Islaamiga ah Iiraan ayaa shaaca ka qaaday “si buuxda u burburiyeen” haamaha shidaalka, nidaamyada difaaca cirka ee Patriot, keydka diyaaradaha iyo nidaamka raadaarka istaraatiijiga ah ee FPS ee ku yaalla saldhigyada Mareykanka ee Kuweyd, Cummaan, Urdun & Baxrayn.
Iiraan ayaa tan uga jawaabaysa weerarrada Mareykanka ee dalkeeda, iyada oo xiisaddan soo laba kaclaysay ay salka ku hayso maamulka Hormuz.
Mareykanka ayaa sii wada weerarka Iiraan, iyada oo Trump uu ku goodiyey diyaaraha wax burburiya ee B1 & B2, xilli Iiraanna ay sheegtey in ay beegsanayso dalalka hawadooda laga soo weerarayo iyo kuwa ay ku yaallaan saldhigyada Mareykanka ee Carabta. Mareylanka iyo xulafiisa ayaa diiddan in ay Iiraan maamusho marinka Hormuz, iyada oo Tahraanna ay taasi difaacanayso