Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Ardayda ku nool degmada Jalalaqsi oo dib uga galaya Imtiraan shahaadiga ah.

Ardayda ku nool degmada Jalalaqsi oo dib uga galaya Imtiraan shahaadiga ah.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad-Goboleedka HirShabeelle ayaa shaacisay in ardayda ku nool degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo sababo amni awgood uga baaqday Imtixaanka Shahaadiga ah ee la qaaday bishii June, dib loogu celinayo imtixaanka.

Wasiirka Waxbarashada HirShabeelle, Siciid Hagar Camalow, ayaa sheegay in Wasaaraddu, iyadoo kaashanaysa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ay fursad kale siinayso ardayda ay xaaladda amni u saamixi weyday inay ka qaybgalaan imtixaanka xilligiisii.


Wasiir Camalow ayaa xusay in aanay suurtagal ahayn in ardaydaasi ay ka haraan Imtixaanka Shahaadiga ah, sidaas darteedna loo diyaariyey imtixaan ay mar kale ku geli doonaan.

Si kastaba ha ahaatee, ma uusan shaacin waqtiga rasmiga ah ee imtixaanka dib loo qaadayo.

“Ardaydii sababo amni dartood uga baaqday Imtixaanka Shahaadiga ah ee ku sugan Jalalaqsi, imtixaankooda waa diyaar, dhawaan ayay geli doonaan,” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada HirShabeelle, Siciid Hagar Camalow.