Xuutiyiinta Yemen oo Xoogga Saaraya Weerarrada Sucuudiga
Xuutiyiinta Yemen oo burbur kala kulmaya dagaalka ka socda gudaha Yemen oo gacantooda laga saaray dhul ballaaran, ayaa iskudayaya cadaadiska ay kala kulmayaan gudaha inay u wareejiyaan dibadda, iyagoo sare u qaaday weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay ku beegsanayaan xarumaha shidaalka ee Sacuudiga.
Afhayeenka dhinaca militariga ee Xuutiyiinta, Yaxye Sariic ayaa warsaxaafadeed uu maanta soo saaray wuxuu sheegay inay tobannaan gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn 24 saac ee u dambeysay ku beegsadeen xarumaha shidaalka Sacuudiga ,
isagoo intaa ku daray in bartilmaameedyo ay ka mid yihiin xarumaha Aramco ee ku yaalla Abha, Najran iyo Jizan, iyo sidoo kale saldhigga ciidanka Cirka ee Khamis Mushait. Wuxuu markaa ku dhawaaqay inay sii wadi doonaan weerarrada ka dhanka ah Sacuudiga.