Soomaaliya oo maanta sagootisay safiirkii Turkiga ee Muqdisho.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cali, ayaa maanta kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Türkiye u qaabilsanaa Soomaaliya, Alper Aktaş, oo soo gaba-gabeeyay muddo uu dalka uga soo shaqeynayay diblomaasiyad ahaan.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa diiradda lagu saaray xiriirka dhow iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye.
Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyay Safiirka dadaalkii uu ku bixiyay xoojinta xiriirka labada dal iyo kaalintii uu ka qaatay horumarinta iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah iyo walaaltinimada labada dal.
Safiirka Alper Aktaş ayaa Soomaaliya ka ambabaxaya kaddib markii uu soo gaba-gabeeyay xilkiisii diblomaasiyadeed, iyadoo Wasiirka uu u rajeeyay guul iyo horumar uu ka gaaro xilalka uu mustaqbalka qaban doono.