Algeria oo Xiriirka Diblomaasiyadeed u Jartay Imaaraadka Carabta
Aljeeriya ayaa Khamiistii sheegtay inay go’aansatay inay xiriirka diblomaasiyadeed u jarto Imaaraadka Carabta, kadib falal ay Abu Dhabi ku tilmaantay kuwo isdaba joog ah oo “kicin iyo colaad ah”, iyadoo sheegtay inay horey uga digtay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Aljeeriya ayaa sheegtay in tallaabooyinka Imaaraadku ay gaareen heer aan loo dulqaadan karin, isla markaana Aljeeriya ay dhammaan waddooyinkii lagu ilaalin lahaa xiriirka labada dal ay isticmaashay.
Safiirka Imaaraadka ee Aljeeriya ayaa loogu yeeray wasaaradda, waxaana lagu wargeliyay go’aanka, iyadoo loo qabtay 48 saacadood inuu dalka uga baxo.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaan isla markiiba ka jawaabin codsi faallo ah.
Xiriirka labada dal ayaa sannadihii u dambeeyay sii xumaaday, iyadoo warbaahinta Aljeeriya ay si weyn u dhaliishay Imaaraadka, kuna eedaysay inuu doonayo inuu khilaaf ka abuuro gobolka.
Aljeeriya iyo Imaaraadku sidoo kale waxay ku kala aragti duwan yihiin arrimo dhowr ah oo gobolka ah.
Aljeeriya waxay ka soo horjeedaa caadiyeynta xiriirka Israel, halka Imaaraadka iyo Morocco—oo ah dal ay Aljeeriya gobolka kula loolanto—ay xiriir diblomaasiyadeed la sameeyeen Israel sanadkii 2020, iyadoo uu Maraykanku dhexdhexaadinayay Heshiisyadii Abraham Accords.