Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Dad saarnaa Doomo rakaab ahaa oo la la’yahay gudaha dalka Iraan kadib weerar lagu qaaday

Dad saarnaa Doomo rakaab ahaa oo la la’yahay gudaha dalka Iraan kadib weerar lagu qaaday

Mas’uuliyiinta deegaanka koonfurta Iran ayaa sheegay in dad rakaab ahaa la la’yahay, kadib markii laba doon oo kalluumeysi ah lagu qaaday weerar diyaarado aan duuliye lahayn.


Hawlgal lagu raadinayo dadka la la’yahay ayaa ka socda biyaha xeebaha gobolka Hormozgan.


Ku-xigeenka arrimaha siyaasadda ee guddoomiyaha Hormozgan ayaa sheegay in shilalku uu Isniintii ka dhacay agagaarka dekedda Kurgan, oo ku taalla biyaha Gacanka Faaris.


Mas’uuliyiintu faahfaahin dheeraad ah kama aysan bixin tirada dadka la la’yahay ama cidda mas’uulka ka ah weerarka.


Khamiistii, guddoomiyaha Sirik, Reza Shahidian, ayaa wakaaladda IRNA u sheegay in kalluumeysato ku jiray biyaha Iran uu “cadowgu” bartilmaameedsaday, taasoo sababtay in doontii ay degto, isaga na uu dhaawacmo.