Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

MW Soomaaliya oo New York kula kulmay Madax kala duwan oo ka qaybgalaysa Shirka QM

MW Soomaaliya oo New York kula kulmay Madax kala duwan oo ka qaybgalaysa Shirka QM

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada New York ee Dalka Maraykanka kula kulmay Madax kala duwan oo ka qaybgalaysa Shirka Qaramada Midoobay ee shalay furmay.

Mas’uuliyiinta uu la kulmay waxaa kamid ah Madaxweynaha Serbia, Aleksandar Vučić, Madaxweynaha Senegal, Bassirou Diomaye Faye, Madaxweynaha Zimbabwe, Emmerson Dambudzo Mnangagwa iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Muhammad Shehbaz Sharif.

Kulamadaan waxaa diiradda lagu saaray sidii dalalkaan iyo Soomaaliya ay u xoojin lahaayeen xiriirka ka dhaxeeya isla markaana isu garab istaagi lahaayeen waqtiyada xaaladaha adag ay jiraan sida hadalka loo dhigay.

Si gaar ah waxa ay ku ballameen in ay iska kaashadaan Siyaasadda, Amniga, Horumarka iyo danaha wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Dalalka ay madaxda u yihiin Mas’uuliyiinta kala duwan uu Madaxweyne Xasan Sheekh la kulmay.