Jimce, 27 Nofembar 2026
Caalamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran: “Waxaan Diyaar u Nahay Dagaal Qiyaame ah, Hase yeeshee Wadahadalka Weli Wuu Furan Yahay”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran: “Waxaan Diyaar u Nahay Dagaal Qiyaame ah, Hase yeeshee Wadahadalka Weli Wuu Furan Yahay”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran @AbbasAraghchi ayaa hadalladan sheegay intii uu Axaddii, Sebtembar 27, 2026, wareysi siinayay barnaamijka “Meet the Press” ee NBC News.

Wuxuu ka jawaabayay wararka sheegaya in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu dib u bilaabi karo duqeymaha kadib doorashada dhexe ee Mareykanka.

Araghchi wuxuu sheegay in Iran ay diyaar u tahay “dagaal qiyaame” haddii ay la kulanto gardarro cusub, isagoo carrabka ku adkeeyay in Tehran ay weli u furan tahay in arrinta lagu xalliyo waddo diblomaasiyadeed.