Dagaal culus ayaa saaka ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo dhinacyada isku haya magaalada ay soo kala saareen warar iyo sheegashooyin is khilaafsan.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in koox uu ku tilmaamay Al-Shabaab ay saaka isku dayeen inay qalqal ka abuuraan magaalada, balse ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ka hortageen.
Afhayeenka maamulka ayaa sidoo kale sheegay in dhowr qof oo uu ku eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay ku lug lahaayeen falalka amni-darrada ah.
Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo ayaa hadalkiisa waxaa gadaashiisa laga maqlayay rasaas, waxaana uu shacabka ugu baaqay inay is dejiyaan, isagoo sheegay in ciidamada ay gacanta ku hayaan xaaladda magaalada.
Dhanka kale, Xasan Cabdi Maxamed, oo ah afhayeenka ciidamada daacadda u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa sheegay in ciidamadoodu ay ku dhow yihiin inay la wareegaan Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.
Sheegashooyinka labada dhinac weli si madax-bannaan looma xaqiijin, iyadoo iska horimaadyo iyo rasaas laga soo sheegayo qeybo ka mid ah magaalada.
Xiisadda Baydhabo ayaa muddooyinkii dambe sii xoogeysanaysay, iyadoo ciidamo taabacsan Laftagareen ay ku sugnaayeen duleedka magaalada.
Dadka shacabka ah ayaa wajahaya cabsi xooggan, waxaana wararku sheegayaan in qaar ka mid ah dadka deegaanka ay guryahooda ku gambanayaan sababo la xiriira rasaasta iyo dagaalka socda.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in kooxihii saaka weerarka ku qaaday Baydhabo ay ahaayeen “argagixiso”, isla markaana ciidamada dowladda ay gaarsiiyeen jab xooggan.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa qoraal kooban oo uu bartiisa Facebook ku baahiyay ku yiri: “Mataanihii argagixisada ee saakay soo weeraray Baydhabo jab xooggan ayaa dhabarka loo saaray.”
Hadalka wasiirka ayaa u muuqda inuu tixraacayo sheegashada dowladda ee ah in ciidamada taageersan Laftagareen iyo Al-Shabaab ay si wadajir ah uga qeyb qaateen weerarrada Baydhabo.
Dowladda ayaa horey sidaas oo kale ugu eedeysay labada dhinac, halka dhinaca Laftagareen uu si cad u diiday inuu xiriir la leeyahay Al-Shabaab. Sheegashada xiriirka labada dhinac si madax-bannaan looma xaqiijin.
Xaaladda magaalada ayaa weli kacsan, waxaana la sugayaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha iyo cidda gacanta ku haysa goobaha lagu dagaallamayo.


