Shacabka ku nool deegaanno ka tirsan Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa maanta u dareeray goobaha cod-bixinta, halkaas oo ay ka dhacayaan doorashooyinka isku-sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa doorashada ka furay magaalada Dhuusamareeb, iyadoo Galmudug ay tahay doorasho ku-celis ah, halka Hirshabeelle ay markii ugu horreysay ka dhacayso doorasho qof iyo cod ah.
Doorashada Galmudug ayaa ka dhacaysa 11 magaalo iyo deegaannada ku xeeran, waxaana ku tartamaya 12 urur siyaasadeed. Hirshabeelle ayaa iyaduna doorashada ka qabanaysa 12 magaalo oo ku yaalla Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo ay ku tartamayaan ururro siyaasadeed kala duwan.
Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay magaalooyinka doorashadu ka dhacayso, iyadoo ciidamo dheeraad ah la geeyay goobaha cod-bixinta, isla markaana la xaddiday isu socodka gaadiidka qaybo ka mid ah deegaannada.
Doorashada Galmudug ayaa ku soo noqotay kadib markii Maxkamadda Sare ay 24-kii Agoosto 2026 laashay natiijadii doorashadii 30-kii July, iyadoo amartay in doorasho cusub la qabto.
Hirshabeelle ayaa dhinaceeda galaysa doorashadan xilli ay jiraan dooddo siyaasadeed oo ku saabsan habka iyo waqtiga doorashada, gaar ahaan gobolka Hiiraan, halkaas oo madax ka tirsan maamulka ay hore uga dalbadeen heshiis siyaasadeed oo ka horreeya qabashada doorashada.


