Afhayeen u hadlay milateriga Yemen ayaa sheegay in diyaaradaha dagaaalka ee dalka ay fuliyeen maanta 20 weerar oo cirka ah. Afhayeenku wuxuu sheegay in ay duqeeyeen fariismo ciidan, gawaari dagaal iyo qalab milatari oo Xuutiyiintu leeyihiin kuwaas oo yaalay magaalada Taciz.
Weeraradan ayaa dhacay xilli uu dagaalka u dhexeeya Sacuudiga iyo kooxda Xuutiyiinta ee Iran taageerto ay gaareen heerarkii ugu darnaa tan iyo markii la hirgeliyay heshiis xabbad-joojin ah oo ay Qaramada Midoobay taageertay sanadkii 2022-kii.
Hehsiiska xabad-joojinta ayaa hakiyay weerarada labada dhinac.
Hadii Xuutiyiintu ay qabsadaan xukunka magaalada Taciz ee koonfurta Yemen, waxay kordhinayaan saameyntooda Badda Cas iyagoo kaddibna si fudud ku gaaraya dekadda magaalada Cadan oo ah halka ay dowladda Yemen deggan tahay.
Dagaalkan hadda socda ayaa keenay in kumanyaal ay qaxaan. Sidoo kale dagaalka wuxuuna beddeli karaa xaaladda gacanta ku haynta gobollo kala duwan oo Yemen ka tirsan, taas oo saameyn ku yeelan doonta waddooyinka maraakiibta ee Badda Cas iyo marinka Baab al-Mandab.


