Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in cunaqabatayn ay kusoo rogtay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka ee loo soo gaabiyo ICC sida uu sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dalkaas, Marco Rubio.
Afarta qodob ee ugu muhiimsan eedaha Maraykanka uu u cuksaday cunaqabatayntaan:
1-In ay doonayso inay dacwad ku soo oogto muwaadiniinta Maraykanka, sida Askarta, Saraakiisha, siyaasiyiinta & Madaxda qaarkood iyada oo Maxkamadda ICC ay qoorta u galinayso kiisas culus oo sahlaya in la beegsado Dadkaas.
2-In ay ku xadgudubtay madaxbannaanida Maraykanka, Xoghaye Marco Rubio ayaa Maxkamadda Dambiyada ah ee Dambiyada ICC ku dhaliilay inay awood sharci ku yeelato muwaadiniinta ka socda dalala aan heshiiska qayb ka ahayn.
3-Beegsiga Israa’iil, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa qodobkaan ku sifeeyay in Maxkamadda ICC ay marweliba beegsato Israa’iil si uu ku tilmaamay in aanay caddaalad ahayn sida waaranka ay u jartay Ra’iisul Wasaare Netanyahu iyo xubno kale.
4-In la siyaasadeeyay shaqada ICC, Bayaanka kasoo baxay Maraykanka ee cunaqabataynta ah ayaa qodobka Afaraad lagu eedeeyay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka in ay tahay mid siyaasadeysan oo hal dhinac ka raran.
Sidee ayay Maxkamadda ICC uga falcelisay cunaqabataynta iyo eedaha la isugu daray?
Bayaan kasoo baxay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada loona soo gaabiyo ICC ayaa lagu cambaareeyay go’aanka Maraykanka uu ku cunaqabateeyay, waxaana ay iska fogaysay dhammaan eedaha uga yimid Xukuumadda Washington.
Waxa ay Dowladaha Xubnaha ka ah ugu baaqday in ay arrintaan meel fog uga soo wada jaysteen si loo ilaaliyo caddaaladda Caalamiga ah loona naas-nuujin dambiileyaasha doonaya in ay sameeyaan boor isku qaris sida hadalka loo dhigay.
Falcelinta Dalalka xubnaha ka ah ICC
Qaar kamid ah Dalalka xubnaha ka ah Maxkamaddda Caalamiga ah ee Dambiyada sida Germany, France, Britian, Italy, Canada, Japan, Netherlands & Denmark ayaa soosaaray bayaan wadajir ah oo ay ku sheegayaan inay ka xun yihiin Cunaqabataynta Maraykanka ee ICC.
Garab istaag ayay u muujiyeen Maxkamadda iyaga oo sheegay in ay qaadayaan tallaab weliba oo looga hortagayo in indhaha looga qabto ICC oo kordhisay beegsiga dadka gaysta dambiyada kala duwan waa sida lagu xusay bayaankooda.
Go’aankaan waxaa ka horreeyay tallaabooyin uu qaaday Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump 6dii Febaraayo 2025 kaddib markii uu arkay in ay kusoo socoto Maxkamadda maadaama uu maamulkiisu gaystay dambiyo kala duwan, waxaana ugu dambayn xigay go’aankaan.


