Isuduwaha arrimaha bani’aadantinimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, George Conway, ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda iyo dagaallada ka socda Baydhabo, isagoo sheegay in colaadda soo noqnoqotay ay sii xumaynayso xaaladda bani’aadantinimo ee dalka.
Conway ayaa sheegay in dagaalladu si gaar ah u saameeyeen dadka barakacayaasha ah, haweenka, carruurta, dadka waayeelka ah iyo dadka naafada ah. Wuxuu dhinacyada ugu baaqay inay ilaaliyaan shacabka iyo xarumaha rayidka, isla markaana hay’adaha gargaarka loo oggolaado inay si ammaan ah u gaaraan dadka u baahan.
MSF ayaa sheegtay in dagaalladii 28-kii Sebtembar ay ku dhinteen ugu yaraan 3 qof, halka 69 dhaawac ah, oo ay ku jireen 5 carruur ah, la geeyay Isbitaalka Gobolka Bay. Xarun caafimaad ayaa sidoo kale waxyeello soo gaartay, ambalaasna waa la dhacay.
Qaramada Midoobay waxay sidoo kale ka digtay in Baydhabo ay wajahdo xaalad cunto yari oo aad u daran. Qiyaastii 26,000 barakacayaal ah ayaa khatar ugu jira heerar masiibo ah oo gaajo ah inta u dhaxaysa Oktoobar iyo Diseembar, iyadoo fatahaado iyo dagaallo dheeraad ah ay xaaladda sii xumayn karaan.
Dagaallada Baydhabo ayaa qeyb ka ah khilaaf siyaasadeed iyo mid militari oo muddo ka dhex socday dowladda federaalka, maamulka Koonfur Galbeed iyo taageerayaasha madaxweynihii hore Cabdicasiis Laftagareen.


