Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo magacaabay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo magacaabay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Cabdulqaadir Cumar Macallin u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya.

Magacaabistan ayaa lagu saleeyay qodobka 120-aad, faqradiisa 2-aad iyo 3-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la tixgeliyey aqoonta, khibradda iyo taariikh nololeedka Cabdulqaadir, iyo talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay inuu xilkiisa u guto si hufan, isla markaana uu masuuliyad iyo daacadnimo ugu adeego qaranka.