Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Golaha Ammaanka QM oo ka shiraya xaaladda Soomaaliya iyo mustaqbalka AUSSOM.

Golaha Ammaanka QM oo ka shiraya xaaladda Soomaaliya iyo mustaqbalka AUSSOM.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishan Nofeembar kulan gaar ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya, iyadoo diiradda lagu saarayo mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), cunaqabateynta Al-Shabaab iyo dhaqaale-yaraanta saameysay howlgalka.

Warbixin uu 2-dii Nofeembar soo saaray ururka Security Council Report ayaa lagu sheegay in kulanka, oo albaabadu u xiran yihiin, ay warbixinno ka jeedin doonaan mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Mas’uuliyiinta la filayo inay kulanka ka qeyb galaan waxaa ka mid ah Martin Kimani, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika, iyo El Hadji Ibrahima Diene, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna madaxa AUSSOM.

Goluhu wuxuu sidoo kale dib u eegis ku sameyn doonaa cunaqabateynta Al-Shabaab, waxaana la filayaa inuu u codeeyo muddo-kordhinta xayiraadaha saaran kooxda, oo ay ku jirto awoodda lagu joojin karo laguna baari karo maraakiibta badda. Nidaamka cunaqabateynta ayaa dhacaya 30-ka Nofeembar.

Dhanka siyaasadda, warbixintu waxay tilmaantay walaaca laga qabo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, gaar ahaan muranka wax-ka-beddelka dastuurka, muddo-xileedka madaxweynaha iyo hannaanka doorashooyinka.

Beesha caalamka ayaa dhinacyada ugu baaqday inay khilaafaadka ku xalliyaan wada-hadal.

Sidoo kale, Golaha Ammaanka ayaa ka arrinsan doona dhaqaale-yaraanta saameysay AUSSOM iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Waxaa suuragal ah in la tixgeliyo qabashada shir deeq-bixiyeyaal loogu raadinayo dhaqaale dheeraad ah oo lagu taageero howlgalka.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay isku wajahayso caqabado amni, khilaaf siyaasadeed iyo hubanti la’aan ku saabsan maalgelinta howlgalka Midowga Afrika iyo qorshaha mas’uuliyadda amniga loogu wareejinayo ciidamada Soomaaliyeed.