MW Jubaland, oo Mukhtaar Sheekh Axmed Cabdulle u magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Labaad ee Jubaland.
Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axme Madoobe) ayaa maanta magacaabay madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulkaasi, kadib wareegto uu soo saaray.
Axmed Madoobe ayaa Mudane Mukhtaar Sheekh Axmed Cabdulle u magacaabay xilka Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland, iyadoo magacaabistan lagu sheegay inay qayb ka tahay dadaallada lagu dardargelinayo dhismaha hay’adaha maamulka, laguna dhammaystirayo xubnaha hoggaanka sare ee Dowlad-goboleedka Jubbaland.
Mukhtaar ayaa beddalaya Allaha u naxariistee Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere) oo 28-kii June 2025 ku geeriyooday magaalada Nairobi kadib muddo uu xanuunsanaa.
Cabdulqaadir Lugadheere ayaa xilkaas muddo dheer soo hayay isagoo xafiiska joogay ilaa intii uu joogay Axmed Madoobe.