Mucaaradka oo weli isku mari la aqbalidda gogoshii uu ku baaqay MD Xasan Sheekh.
Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Xisbiga Haybad Qaran ee uu hogaamiyo RW hore Saacid ayaa ku guuldaraystay in ay xubnaha Golaha Mustaqbalka ka dhaadhiciyaan dhambaalkii ay ka wadeen Madaxwayne Xassan Shiikh.
Kulan ka dhacay Hotelka Jazeera ayay xubnaha Goluhu ka madax adaygeen ka qaybqaadashada Gogosha uu fidiyay madaxwaynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud.
Musharax Saacid iyo xubnaha la socday ayaa ku adkaystay in goluhu aqbalo dhambaalka codsi ee uu wadaan, waxaase markii danbe la isku raacay in fadhi kale la isugu yimaado, kaas oo la filayo in uu dhaco Caawa oo Jimco ah.
Golaha Mustaqbalka ayaa laga cabsi qabaa in arrintani ay kala qaybiso, sidoo kale Xisbiga Xaqsoor iyo Haybad Qaran ayaa iyaga qudhooda laga yaabaa in ay aragti ahaan ku kala fogaadaan.
Shiikh Shariif iyo Xassan Cali Khayre ayaa iyagu taagan in aan marna la la kulmin Madaxwayne Xassan Shiikh, halka kuwa kale ee golaha ka tirsan ay ka mawqif dabacsan yihiin.
Madaxwayne Xassan Shiikh oo u muuqda nin aan mawqifkiisa marna ka tanasulaynin, ayaa doonaya in uu gacansaar la yeesho xubno muhiim ah oo ka tirsan mucaaradka, si ay doorashada Federalku ugu qabsoonto.
RW Xamse Cabdi Barre oo xalay khudbad jeediyay ayaa soo afjaray rajjadii ay mucaaradku ka lahaayeen in beesha caalamku damaanad qaadayaal ka noqdaan shir dhexmara DFS iyo Mucaaradka, isaga oo meesha ka saaray jiritaanka wax beel caalam la yiraahdo oo garwadeen ka noqon karta arrimaha Soomaaliya.