Iran oo sheegtay in ku dhawaad 60 diyaaradood oo Mareykanku leeyahay ay dhulka soo dhigtay
Waaxda xiriirka dadweynaha ee ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran, ayaa ku dhawaaqday inay beegsadeen diyaarad casri ah oo aan duuliye lahayn, nooca MQ-9, taas oo ay leedahay milatariga Maraykanka, kuna sugnayd hawada sare ee marin-biyoodka Hormuz.
War-saxaafadeed ay soo saareen Ilaalada Kacaanka ayaa lagu sheegay in diyaaradda la ogaaday, lala socday, dabadeedna lagu beegsaday nidaamka difaaca cirka ee ciidanka cirka ee IRGC, saacad ka hor.
Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in tani ay tahay diyaaraddii 58-aad ee Maraykanka ee nooca MQ-9 oo ay beegsadaan.
Saraakiisha Maraykanka ayaan weli ka hadlin sheegashadan, mana jirto xaqiijin madax-bannaan oo muujinaysa in diyaaradda la soo riday.