Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

MW Xasan Sheekh oo wajahaya cadaadis siyaasadeed oo gudaha ah ayaa goordhow safar hal maalin ah ugu ambabaxay dalka Uganda.

MW Xasan Sheekh oo wajahaya cadaadis siyaasadeed oo gudaha ah ayaa goordhow safar hal maalin ah ugu ambabaxay dalka Uganda.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan Magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda si uu ula kulmo dhiggiisa, Yoweri Museveni oo ay wada qaadanayaan kulan gaar ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Yoweri Museveni ay kawada hadlayaan Xaaladaha Amniga, Siyaasadda iyo qodobo kale si ay xoogga u saaraan xal u helista culayska dhinacyadaas ka imaanaya.

Uganda ayaa qorsheyneysa in ay Ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya sanadka soo socda ee 2027 waana ciidanka qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM oo ay soo billaabeen sannadkii 2007.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Uganda ayaa kusoo beegmaya iyada oo ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo Dowladda Federaalka kala dhaxeeya Xubnaha Mucaaradka sidoo kalena la hadal hadal hayo qorshaha bixitaanka Ciidanka AUSSOM.