Wararka ka imaanaya gudaha Chelsea FC ayaa muujinaya in kooxda ay qorsheyneyso inay iska dirto afar ciyaartoy muhiim ah ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaagan.
Ciyaartoyda la filayo inay ka tagaan Stamford Bridge waa:
Christopher Nkunku
Nicolas Jackson
Terik George
Raheem Sterling
Suxufiga caanka ah Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in Nkunku uu weli qorsheynayo inuu ka tago kooxda, halka Jackson uu dhici karo inuu baxo haddii uu yimaado dalab miisaan leh oo Chelsea qanciya.
Chelsea ayaa horey u xaqiijisay bixitaanka Joao Felix oo ku biiray Al Nassr, halka Marc Guehi iyo Armando Broja ay hore uga tageen kooxda.
Tani waxay qeyb ka tahay dib-u-habeynta uu wado tababare Enzo Maresca, iyadoo Chelsea ay doonayso in la yareeyo tirada ciyaartoyda isla markaana la keeno xiddigo si buuxda ugu habboon nidaamka cusub ee kooxda.


