Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu Jimcaha u safro dalka Masar, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono shir afar geesood ah oo ay isugu imaanayaan madaxda Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Eritrea.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ku sugan Addis Ababa ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kulan muhiim u noqon kara isfahamka labada dhinac, maadaama uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu qayb ka noqonayo shir ka dhacaya Qaahira oo ay ka qeybgalayaan dalal xiriirkooda siyaasadeed uu xasaasi yahay marka loo eego arrimaha gobolka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sii mari doona Jabuuti, halkaas oo la filayo inuu wadahadallo kula yeesho Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Ka hor safarkiisa Addis Ababa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khadka telefoonka kula hadlay Madaxweyne Geelle iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, xilli ay si wadajir ah uga qeybgalayeen munaasabad la xiriirta mashruuca shidaalka Dangote.
Dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh ee gobolka ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay xoogga saarayso xoojinta xiriirrada dalalka gobolka iyo helidda taageero diblomaasiyadeed oo ku aaddan qorshayaasheeda gudaha, gaar ahaan xaaladaha ka taagan Baydhabo iyo Beledweyne.
Shirka Qaahira ayaa sidoo kale indhaha lagu hayaa, iyadoo la filayo in madaxda Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Eritrea ay ka wada hadlaan xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee gobolka, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya dalalka Geeska Afrika.


