Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Cali Guudlaawe oo soo gaaray Muqdisho.

Cali Guudlaawe oo soo gaaray Muqdisho.

Muqdisho : Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta safar shaqo kusoo gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade Airport kusoo dhoweeyay Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, qaar kamid ah Xildhibaanada Dowladda Hirshabeelle iyo Masuuliyiin kale.

Dhanka kale Madaxweynaha waxa uu garoonka diyaaradaha ee aadan cade kula kulmay Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay iska wareysteen xaaladaha guud ee dalka.

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa kamid ah maamulada ay weli ku harsan yihiin kuraasta Xildhibaanada ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Magaalada Jowhar oo ah Caasimadda Hirshabelle waxaa ku dhiman doorashada Sadex kursi oo laba kamid ah ay leedahay beesha uu kasoo jeedo Cali Guudlaawe , waxaana kuraastaa iminka ku fadhiya Wasiirkii hore ee Amniga XFS Iyo midka hada Maxamed Abuukar Islow Ducaale & Cabdulaahi Maxamed Nuur.