Xeer Ilaaliyaha guud oo u yeeray Wasiirka Batroolka & Macdanta.
Muqdisho : Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa soo saaray warqad ujeedkeedu yahay u yeeris Wasiirka Wasaaradda Macdanta & Batroolka Soomaaliya Cabdirashid Maxamed Axmed.
Qoraalka kazoo baxay xafiiska Xeer Ilaaliyaha ayaa lagu sheegay in baaris ay bilaabeen 26-2-2022 heshiis lagu tilmaamay sharci darro oo ay Wasaaradda Batroolku la gashay Shirkad lagu magacaabo Coastline oo ka shaqeysa arrimaha Shidaalka.
Waxaa qoraalka lagu sheegay in loo yeerayo Wasiir Cabdirashiid Maxamed kaasi oo la ogeysiiyay inuu maalinta Isniinta ah ee 25-4-2022 iska xaadiriyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka si wax looga weydiyo heshiiska la sheegay inuu saxiixay ee dhex maray Wasaaradda Macdanta & Batroolka XFS iyo shirkadda Coastline Exportation Limited.
Halkaan ka aqriso qoraalka kazoo baxay xafiiska Xeer Ilaalinta.
