Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Kulanka Golaha Shacabka & hadal jeedinta musharaxiinta Gudoonka.

Kulanka Golaha Shacabka & hadal jeedinta musharaxiinta Gudoonka.

Muqdisho : Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta dhageysanaya hadal jeedinta musharixiinta isu diiwaangelisay qabashada Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad JFS.

Guddiga Qaabilsan Doorashooyinka oo kaashanaya Guddoonkooda KMG ah ayaa diyaariyay jadwal lagu hagayo hadal jeedinta musharixiinta sida daqiiqadaha ay hadlayaan musharaxiinta & sida ay u kala horreeyaan Musharixiinta.

8 musharax ayaa isu diiwaangelisay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya, waxa ay kala yihiin: 1-Cabdirashiid Maxamed Xidig, 2-Cabdullaahi Aadan Axmed Black, 3-Aadan Maxamed Nuur Saransoor, 4-Xasan Cabdinuur, 5-Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, 6-Saadiq Cabdullaahi Cabdi, 7-Shariif Maxamed Cabdalla & 8-Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Musharax walba oo u taagan qabashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa la siiyay min 15 Daqiiqo oo hadal jeedin ah si uu ugu soo bandhigo sooyaalkiisa, waxqabadkiisa iyo codsiga uu ka rabo xildhibaannada codeynaya.

Maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa ay kaliya dhageysanayaan hadal jeedinta Musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golahaas ee Baarlamaanka 11aad JFS maadaama berri 24-ka April 2022 loo dhigay khudbadaha ku xigeennada 1aad & 2aad.