Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Khilaaf ka dhashay doorashadii Ceel-waaq.

Khilaaf ka dhashay doorashadii Ceel-waaq.

Muqdisho : Doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ayaa mareysa heer gabo gabo ah waxaana dhiman doorashada 20 mudane kuwaas oo 11 kamid ah maalinkii shalay lagu doortay magaalada Ceel waaq ee Gobolka Gedo.

Gudoomiyaha Gudiga xalinta khilaafaadka doorashada dadban ayaa waxba kama jiraan kutilmaamay doorashadii shalay lagu qabtey degmada ceel waaq waxaa uuna sheegey inay baalmarsan tahay heshiiskii doorashada dadban.

Maxamed Cawil Gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada ayaa sidoo kale sheegay in ay sharci daro tahay doorashada Garbahaareey laga qaban qaabinaayo maadaama ay ka maqan yihiin guddiga doorashooyinka Jubbaland.

Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa ku kala qeybsamay doorashada 16 kamid ah kuraasta xildhibaan ee laga soo doorto Jubaland waxaana hadalka Gudoomiye Maxamed Cawil kasoo horjeestay xubno ka mid ah Guddiga.

Xubno katirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban oo uu hogaaminaayo Burhan Cilmi Xirsi oo ah Guddoomiyaha qeybta Jubaland kala shaqeynayo doorashada ayaa shalay ka Qeybgalay Doorashada 11 kursi ee Golaha Shacabka oo ay doorashadooda ka dhacday Deegaan Doorashada labaad ee maamulka Jubaland oo loo wareejiyay Ceelwaaq.