RW Rooble oo dalka dib ugu soo laabtay.
Muqdisho : Magaalada Muqdisho waxaa dib ugu soo laabtay Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo safar Shaqo ugu maqnaa Magaalada Geneva ee Dalka Swezerland.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa nasasho kadib gaaray Teendhada Afisiyooni halkaas oo Maanta qorsuhu yahay in lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa kuxigeen ee Baarlamaanka 11aad.
Dib ugu soo laabashada Ra’iisul Wasaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa kusoo beegantay xilli xaaladda Siyaasadeed ee dalka ay kacsan tahay, isla markaana qaar kamid ah Shaqaalaha Baarlamaanka iyo Wariyeyaasha loo diiday inay galaan Teendhada Afisiyooni.
Waxaa jiray buuq siyaasadeed ka dhashay hadal uu Taliye Xijaar warbaahinta ka sheegay oo ahaa inaysan damaanad qaadi Karin amniga , waxaana xigay warqad shaqada looga joojinayay oo uu soo saaray Wasiirka Amniga XFS C/laahi Maxamed Nuur.
Buuq badan ayaa hareeyay doorashada gudoonka Golaha Shacabka BJFS oo maanta qorshuhu yahay in la qabto , inkastoo saacado ay dib u dhacday doorashada hadana waxaa lagu wadaa in salaada duhur kadib ay bilaabato howsha doorashada.