Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Soomaali badan oo loo doortay Xildhibaan nimo.

Soomaali badan oo loo doortay Xildhibaan nimo.

London : Wararka laga helayo dalka Britain ayaa waxaa ay sheegayaan in Xildhibaanadii ugu badnaa oo Soomaali ah ah ay kusoo baxeen doorashada ka socota gudaha dalka Ingiriiska.

Sida lagu sheegay natiijooyinka hordhaca ah ee kasoo baxaya doorashooyinkii dowladda hoose ee ka qabsoomay degmooyin ka tirsan magaalada London ayaa waxaa kusoo baxay tiradii ugu badneyd ee Soomaali ah oo loo doortay xildhibaanno golayaasha deegaanka kamid noqonaya.

Illaa iyo iminka Toban xildhibaan oo Soomaali ah ayey warbaahinta Britain shaaciyeen inay kusoo baxeen doorashooyinka, kuwaasi oo uu sharaxay xisbiga mucaaradka ah ee Labour Party ee dalka ingriiska ka dhisan.

Degmooyinka muhiimka ah ee looga guuleystay xisbiga Conservative-ka ayaa waxaa ka mid ah degmada Westminster oo ah halka ay degan yihiin hay’addaha dowladda Britain.

Xisbiga mucaaradka ah shaqaalaha “Labour Party” ayaa sanadkaan guul muuqata ka gaaray xisbiga Conservative-ka ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson kuwaa oo lumiyay kuraas iyo degmooyin weligood u xernaa xisbigooda.

Xisbiga Conservative-ka ayaa looga adkaaday degmada Wandsworth oo ka mid ah London, halkaa oo ay maamulayeen tan iyo 1978-kii. Waxay sidoo kale lumiyeen degmada Barnet, oo ay gacanta ku hayeen tan iyo 1964-kii marka laga reebo laba xilli doorasho.