Madaxda 5-ta dowlad Goboleed oo Muqdisho wada jooga.
Muqdisho : Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa maanta safaro kala duwan ku soo gaaray Muqdisho.
Madaxdaan waxaa caasimada ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Dowladfa FS Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan labada Gole ee dowlad goboleedyada Galmudug & Hirshabee iyo Mas’uuliyin kale.
Waxaa ay sheegeen in safarkooda uu yahay mid shaqo isla markaana uu qayb ka qadan doono doorashada Madaxweynaha JFS ee lagu madalsan yahay in la qabto 15-ka bishaan may.
Waxaa sidoo kale horay u joogay magaalada Muqdisho Madaxweynayaasha Galmudug, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubaland.
Arrintan ayaa ka dhigan in qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka aysan laheyn ku simeyaal madaxweyne sida Galmudug oo ay Madaxweynaha, ku xigeenkiisa & Gudoomiyaha Baarlamaankaba wada joogaan Muqdisho.
Sidoo kale dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Madaxweynihii waxa uu ku sugan yahay Muqdisho, halka gudoomiyihii Baarlamaanka ee maamulkaas oo goor hore xildhibaan Federaalka ah noqday uu isna joogo Muqdisho mana lahan Maamulkaan madaxweyne ku xigeen.
Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa Muqdisho ka jooga Madaxweynaha & ku xigeenkiisa oo labaduba maanta yimid, balse gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ah sii hayaha kaasi oo ku sugan magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulkaas.