Musharaxii labaad ee xilka Madaxweyne oo shahaadada qaatay.
Muqdisho : Musharax madaxwayne Daahir Maxamuud Geelle oo maanta is diiwaangeliyay ayaa qaatay shahaadada rasmiga ah ee musharraxnimo xilka Madaxwaynaha 10aad ee Soomaaliya.
Waa musharrixii labaad ee maanta isdiiwaangeliya si uu ugu tartamo doorashada xilka Madaxwrynaha Soomaaliya oo dhici doonta 15 Bishaan oo ku beegan maalinta Axadda ah ee soo socota.
Musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ka waday kulamo iyo olole doorasho oo xoogan, iyada oo uu la kulmayay Xildhibaano ka tirsan labada gole ee BFS iyo xubno kale oo saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya.
15-ka bishaan May ayaa lagu wadaa in teendhada Afisiyoni lagu qabto doorashada Madaxweyne, waxaana mudada is diiwaan gelinta musharaxiintu ay ku egtahay 10-ka bishaan, ka hor ayaa la rumeysan yahay inay harayaan musharaxiin dhowr ah.