Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Maxay kawada hadleen Axmed Madoobe & Aadan Madoobe.

Maxay kawada hadleen Axmed Madoobe & Aadan Madoobe.

Muqdisho : Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa xalay salaan iyo Hambalyo ugu tagay Gudoomiyaha Cusub ee golaha shacabka BJFS Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Madaxweynaha ayaa Gudoomiyaha ugu hambalyeeyay xilka culus ee loo doortay isagoo la wadaagay sida shacabka Jubbaland iyo Bulshada Soomaaliyeedba ay ugu riyaaqeen doorashadii uu ku guuleystay Sheekh Aadan Madoobe.

Dhinaca kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahad celiyay go’aanka lagu fasaxay Xildhibaanada deegaan doorashada labaad ee Jubbaland si dadka Gobolka Gedo ayna uga harin doorashooyinka guud ee dalka.

Madaxweynaha Jubbaland oo taageeray go’aanka lagu fasaxay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee lagu soo doortay Magaalada  Ceelwaaq ayaa u mahadceliyay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, wuxuuna xusay inay soo dhaweynayaan Go’aanka la qaatay.

Kulankan dhexmaray Axmed Madoobe iyo Aadan Madoobe ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo shalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka shaaca ka qaaday inay sharci yihiin Xildhibaanada Golaha Shacabka ee lagu soo doortay Ceelwaaq.