Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Diiwaan gelinta musharaxiinta xilka madaxweyne oo maanta ku eg.

Diiwaan gelinta musharaxiinta xilka madaxweyne oo maanta ku eg.

Muqdisho : Guddiga isku dhafka ah labada aqal ee doorashada Madaxweynaha ayaa Maanta oo talaado ah soo gaba-gabeynaya diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga doorashada oo Axadii bilaabay diiwaan-gelinta Musharaxiinta ayaa diiwaan-geliyay in ka badan 30 Musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxweynaha dalka, kuwaasi oo la siiyay shahaadada Musharaxinmo ee xilka Madaxweynaha.

Guddiga ayaa sidoo kale Maanta diiwaan-gelinaya Musharaxiin kale oo dooneysa inay u tartamaan doorashada dhaceysa, waxaana la filayaa inay diiwaan-geliyaan Musharaxiin uu ku jiro Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ah Musharax Madaxweyne.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Ra’iisul Wasaareyaal hore iyo siyaasiyiin kale oo farabadan ayey Guddiga doorashada u diiwaan-geliyeen tartanka doorashada Madaxweynaha.

15-ka bishaan May oo ku aadan Axadda soo socota ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Teendhada Afisyooni ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, waxaana socda olole doorasho oo ay wadaan Musharaxiinta.