Diiwaan gelinta musharaxiinta xilka Madaxweyne oo lasoo xiray.
Muqdisho : Diiwaangelinta musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa galabta si rasmi ah loo soo xiray.
Waxaa isdiiwaangeliyay 39 musharax oo ay mid qura haweeney tahay, musharaxiinta sanadkaan waa tiradii ugu badneyd ee abid isu sharraxda xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Sanadkii ku soo xigay waxa uu ahaa gugii doorasho ee 2004, markaas oo ay tartanka madaxweynaha Soomaaliya isku soo sharaxeen 26 mudane.
Muddo 22 sano ah, waxaa xilka madaxweynaha isu soo sharaxday 135 musharrax, inkastoo musharixiinta qaar ay dhowr doorasho ka qeybgaleen.
Maalinka Berito ah ayaa lagu wadaa inay Teendhada Afisiyooni ka bilaabato hadal jeedinta Musharaxiinta xilka Madaxweyne, waxaana jadwalka lasoo saaray ku xusan 20 musharax oo midkiiba heysto 15 daqiiqo.
