Sh Aadan Madoobe oo xil sare u magacaabay Xildhibaan hore.
Muqdisho : Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay waxaa uu magacaabay La-taliyihiisa dhanka arrimaha Siyaasada iyo Amniga.
Wareegto uu soo saaray Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayuu La-taliyihiisa ugu magacaabay inuu noqdo Maxamed Xasan Idiris oo horey u ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaankii 10-aad ee waqtigiisu dhamaaday.
Magacaabista Maxamed Xasan ayaa ku timid, sida lagu cadeeyay wareegtada “baahida Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka u qabo in la helo La-taliye iyo waayo-aragnimo leh xaga Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga”.
Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Buux ayaa waxaa la faray inuu dhameystiro habraaca maamuuska La-taliyaha iyo meelmarinta go’aanka sida ugu haboon ee sharciga waafaqsan.
