Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Axmed Madoobe oo muddo kadib tagay madaxtooyada dalka.

Axmed Madoobe oo muddo kadib tagay madaxtooyada dalka.

Muqdisho : Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo ay ka wada hadleen gabagabada howshii doorashada dalka ee guusha ku soo dhamaatay.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda uga mahadceliyay sidii uu u hogaamiyay howshii doorashada dalka iyo dhabar adeygii uu muujiyay si uu uga miro dhaliyo doorashadii dalka oo ku soo dhamaaatay si nabad ah.

Axmed Madoobe ayaa kamid ahaa madaxda dowlad goboleedyada dalka ee arrimaha doorashooyinka ay isku qabteen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, kaasi oo ugu dambeyn ciidan ka amar qaata Dowladda dhexe geeyay Gobolka Gedo qeybo kamid ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa markii uu la wareegay hogaaminta arrimaha doorashooyinka ee dalka waxa uu si deg deg ah uguda galay gabagabeynta howsha doorashada iyadoo caqabadihii qabsaday ay kamid aheyd xalinta qilaafka ka dhashay deegaan doorashada labaad ee maamulka Jubaland oo aheyd Garbahaareey, taasi oo markii dambe xildhibaanada lagu soo doortay Ceel Waaq.