Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Kulankii Golaha Wakiilada Somaliland oo baaqday.

Kulankii Golaha Wakiilada Somaliland oo baaqday.

Hargeysa : Kulankii ay maanta Golaha Wakiilada Somaliland lahaayeen oo uu gudoominaayay Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Cali Xamuud loogana hadli lahaa arrimo ku saabsan xaalada Somaliland ayaa baaqday.

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay in kulanka maanta ay soo xaadireen 35 mudane, isaga oo xaadiriyay mudanayaasha joogay iyo kuwii maqnaa, waxaana uu sheegay in kulanka uu kooram la’aan u baaqday.

Sidoo kale Xoghayaha ayaa ugu baaqay dhamaan Golaha Wakiilada inay soo xaadiraan kulamada Golaha si looga doodo xaaladda guud ee Somaliland maadaama ay soo dhaw yihiin doorashooyinka Madaxtooyada.

Waxaa jira buuq siyaasadeed ka dhex taagan xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland & xisbiga talada haya kaasoo salka ku haya hanaanka loo wajahayo doorashooyinka Madaxtooyada oo waqtigooda uu muran xooggan uu ka dhashay.