Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

James Swan “Nidaamka QM waa mid udiyaarsan la shaqeynta dowladda cusub”.

James Swan “Nidaamka QM waa mid udiyaarsan la shaqeynta dowladda cusub”.

New York : Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo khudbad ka jeediyay shirka Golaha Ammaanka ee ka dhacay Magaalada New York ayaa ku dheeraaday xaaladda siyaasadeed iyo tan bani aadamnimo ee Soomaaliya.

Swan ayaa sheegay in Qaramada Midoobay si dhaw ula socota xaaladda Soomaaliya iyo is baddelka ka dhashay Doorashooyinkii ka dhacay Muqdisho 26kii iyo 27-kii April 2022 ee lagu doortay Guddoonka labada Gole & 15kii May 2022 oo la doortay Madaxweynaha 10aad ee JFS.

Danjire James Swan waxa uu sheegay in dhammaan xafiiskyada kala duwan ee Qaramada Midoobay ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan Dowladda cusub ee Soomaaliya si loo gaaro yoolka siyaasadeed ay leedahay.

Waxa uu fadhiga ka dhex sheegay in uu la kulmay Madaxda Dowladda Federaalka oo uu ugu derajo sarreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud oo ay kawada hadleen xaaladda dalka iyo ka gungaarista yoolka Dowladda.

“Dhammaan nidaamka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waa mid diyaar u ah inuu la shaqeeyo dawladda cusub si loo taageero yoolalkan la wadaago” Sidaasi waxaa yiri wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan.

Mar uu ka hadlay Xaaladda Bani aadamnimo ee Soomaaliya waxa uu sheegay in Dad badan ay wajahayaan xaalado khatar ah sida macluul ka jirta deegaannada qaar, waxa uu ka digay in loo waayo cunno sida uu yiri James Swan.

Qaramada Midoobay ayaa ballanqaaday in la taageero Dowladda cusub ee Madaxweynaha 10aad JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo Villa Somalia la wareegay 23kii May 2022, waxaa horyaalla wax ka qabashada amniga, dhaqaalaha, hagaajinta siyaasadda, xiriirka iyo doorashada dhaceysa marka uu dhammaado muddo xileedkiisa 2026.