Safarka ugu horeeya ee madaxweyne Xasan Sh ku tagayo Baydhabo.
Muqdisho : Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu bilaabo safaro kala duwan oo uu ku tagayo qaar ka mid ah xarumaha dowlad goboleedyada dalka.
Madaxweyne Xasan ayaa maanta booqashadiisii ugu horreysay ku tegaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo uu wada-hadallo kula yeelan doono Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxaa shalay magaalada Baydhaba gaaray wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Xuseen Shekh Maxamuud oo ay wefdigiisa qeyb ay ka ahaayeen Xildhibaano iyo Saraakiil ka socday Madaxtooyada Qaranka.
Wafdigaan shalay gaaray magaalada Baydhaba ayaa hordhac u ah booqashada lagu wado in maanta uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tago magaalada Baydhaba oo ah caasimadda KMG ah ee maamulka KGS.
Madaxweyne Xasan iyo lafta-gareen ayaa la sheegay inay diiradda saari doonaan isbedalka ka dhacay dalka, kadib doorashadii Madaxweynaha ee la qabtay 15-kii May, taas oo uu ku guuleystay Xasan Sheekh, waxaana Lafta Gareen uu ka mid ahaa taageerayaashii Madaxweynihii hore ee dalka.
Wararka ayaa sidoo kale waxa ay intaasi kusii daraya in kulanka lagu soo qaadi doono wada-shaqeynta labada dhinac ee ku aadan dhismaha dowladda cusub ee Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa la filayaa in Lafta Gareen uu Madaxweynaha cusub la wadaago xaaladda siyaasadeed ee uu wajahayo maamulkiisa iyo tuhunkiisa la xiriira abaabulka la sheegayo inuu ka socda magaalada Muqdisho.
Safarka Baydhabo, kadib Madaxweynaha dowladda federaalka ayaa tegi doono magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo ka tirsan madaxtooyada Qaranka.
Ujeedka ayaa ah sidii uu Madaxweynaha u qaboojin lahaa xiisada & kala aragti duwanaanta maamullada qaar, gaar ahaan kuwii taabacsanaa Madaxweynihii xafiiska baneeyay ee Maxamed C/laahi Farmaajo.
Si kastaba madaxweynaha cusub ayaa ku howlan dhismaha dowladdiisa, wuxuuna horey u ballan qaaday in uusan jiri doonin aargoosi lagu beegsanayo kuwa ka fikirka duwan.