Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Dhismaha Golaha deegaanka Cadaado oo laga heshiiyay.

Dhismaha Golaha deegaanka Cadaado oo laga heshiiyay.

Cadaado : Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo ku sugan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in la bilaabayo dhawaan dhismaha Golaha deegaanka Magaalada oo kamid ah Magaalooyinkii ugu horreeyay ee yeesha Golle deegaan.

Waxaa uu u mahad celiyay Guddoomiyaha Magaalada Cadaado oo uu sheegay in uu ka tanaasulay in uu markale u tartamo xilka Guddoomiyaha Magaalada, hayeeshee uu ka Shaqeyn doono dhismaha Golaha deegaanka Magaalada iyo sidii ay u dhici laheyd doorashada Guddoonka Golaha deegaanka Magaalada Cadaado.

Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu sheegay in heshiis laga gaaray dhismaha Golaha deegaanka Magaalada Cadaado kadib shirar badan oo ay galeen, waxaa uuna faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay si deg deg ah ugu dhisto Golle deegaan Magaalada Cadaado & dhammaan degmooyinka kale ee dowlad goboleedka Galmudug.

Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Galmudug waxaa uu xalay ka sheegay munaasabad soo dhaweyn iyo sagootin ah oo loogu sameeyay Magaalada Cadaado, iyada oo la filayo in Maanta uu soo gaaro Magaalada Muqdisho.