Kenya oo sheegtay inay bilaabeyso dhoofinta Khaadka ee Soomaaliya.
Nairobi : Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu aqbalay inuu qaado xayiraadihii uu dalkiisa saaray qaadkii kaga imaan jiray dhanka Kenya.
Waxaa sidaasi sheegay wasiirka beeraha Kenya Peter Munya oo saxaafadda la hadlay shalay oo Jimce aheyd, Wasiirku waxaa uu sheegay in wada xaajoodyada arrintaa ku aaddan la soo afjarayo dhawaan, laba isbuuc kadibna la saxiixi doono heshiis rasmi ah.
Peter Munya ayaa uga mahad celiayay madaxweyne Kenyatta oo arrintaan wadahadal kala yeeshay dhigiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Dowladda Kenya ayaa sheegtay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu aqbalay inuu qaado xayiraadihii uu dalkiisa saaray qaadkii ka imaan jiray Kenya.
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka mid ahaa madaxweynayaashii ka qeybgalay xafladdii caleemasaarka Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo khamiistii ka dhacday magaalada Muqdisho. Dowladdii uu hogaaminayay Madaxweyne Farmaajo ayaa hakisay duulimaadyadii qaadka ee Kenya sanadii 2020-ka sababa la xiriira xanuunka Covid-19, balse xayiraadaasi ayaan la qaadin iyadoo ay jireen khilaaf dhinaca diblomaasiyadda ah oo u dhexeeyay labada dal.