Wararkii ugu dambeeyay Xiriirka Dowladaha Soomaaliya & Kenya.
Nairobi : Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa la sheegay inuu isaga baxay shir ay madaxtooyada Kenya isugu yeertay safiirada uu fadhigooda yahay dalka Kenya ka dib markii uu kulankaasi ku arkay mas’uuliyiin matalayay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan safaarada Soomaaliya.
Uhuru Kenyatta ayaa maalintii shalay la yeelanayay diblomaasiyiinta kulankiisii ugu dambeeyay ka hor doorashada guud ee wadanka Kenya ka dhaceysa bisha Agoosto ee sanadkaan.
Danjire Tarsan ayaa la sheeegay in markii uu goobta shirka tagay uu ku arkay calanka Somaliland iyo dad matalayay Somaliland taasi oo uu si weyn uga carooday, waxaana la sheegay inuu dalbaday in wax laga bedelo, kadibna danjiraha shirka ayuu kasoo baxay markii dalabkiisa uu socon waayay.
Somaliland ayaa wakiil ku leh magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, mana cadda mansabka uu wakiilkooda ku joogay shirkaasi uu madaxweynaha Kenya la qaadanayay safiirada dalalka Dibadda ah ee fadhigoodu yahay Nairobi.
Dhanka kale Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa raali-gelin ka bixisay in calanka Somaliland shalay lagu arkay munaasabad uu madaxweyne Uhuru Kenyatta ku casuumay diblomaasiyiinta caalamiga ah ee ku sugan Nairobi.
Munaasabaddaas ayaa waxaa isaga baxay safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan kadib markii uu goobta ku arkay calanka Somaliland iyo wakiilka Somaliland u fadhiya Nairobi.
Safaaradda Soomaaliya ayaa kadib qoraal ay u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya uga cabatay arrintaas, ayada oo sheegtay in tallaabadaas ay xadgudub ku tahay qarannimada, madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya.
Ayada oo cabashadaas ka jawaabeysa ayey Wasaaradda Arrimaha Dibeddda Kenya waxay xalay soo saartay qoraal ku socda safaaradda Soomaaliya, kuna bixineyso raali-gelin
“Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya waxay qireysaa warqadda kasoo baxday safaaradda Soomaaliya ee ku taariikheysan 14-ka June 2022 iyo inay dareenkeena kusoo jeedisay in calanka Somaliland uu ka mid ahaa calamadii yaalay dhacdo sanadeedkii diblomaasyadda,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya.
“Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya waxay ka xun tahay sida aan ku talo-galka iyo munaasibka ahayn ee calanka Somaliland uga soo dhex muuqday dhacdo sanadeedka diblomasiyadda. Wasaaraddu waxay kale oo rajaynaysaa inay dib u xaqiijiso aqoonsiga qarannimada hal dawlad oo federaal ah oo Soomaaliyeed iyo jiritaanka qaranka federaalka Soomaaliya.”
Wasaaradda ayaa intaas ku dartay inay aad uga shalaynayso dhibaato kasta iyo ceebtii ka dhalatay arrintan.
Dhacdadii shalay ayaa imaneysa ayada oo Soomaaliya iyo Kenya ay isku soo dhowaadeen kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh, ayada oo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu Muqdisho u yimid calaamo-saarkii Xasan Sheekh.
Kenya ayaa rajo ka qabta in dib loo fasaxo khaatkii la keeni jiray Soomaaliya, balse dowladda fedeeraalka Soomaaliya ayaa arrintaas ku xirtay shuruudo dhowr ah.
Dhanka Somaliland ayaa sheegtay inay ka xuntahay tallaabadii Safiirka Soomaaliya ee Kenya Danjire Tarsan uu uga baxay kulankii Safiirada uu ku casuumay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, isaga oo diidaya ka qeyb galka Wakiilka Somaliland ee Kenya.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu yiri” Waxay tani si cad u muujinaysaa nacaybka iyo cadaawada fog ee ay Soomaaliya u qabto Somaliland iyo shacabkeeda.
Somaliland waa dal madax-bannaan, dimuqraadi ah oo ku taamaaya nabad iyo xasilooni kula noolaada dalalka aan deriska nahay ee Soomaaliya ay ku jirto ayaa lagu yiri” Warsaxaafadeedka.
Warkaan kasoo baxay Somaliland ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Kenya ay raali gelin ka biixsay qorshihii Calanka Somaliland loogu dhex arkay shirkii uu Safiirada ku casuumay Madaxweynaha Kenya taas oo keentay in uu ka baxo Safiirka Soomaaliya ee Kenya.