Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban oo la kulmay gudoonka Labada Gole ee BFS.

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban oo la kulmay gudoonka Labada Gole ee BFS.

Muqdisho : Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Maanta waxaa uu hoygiisa ku booqday Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Gudoomiye Cabdi Xaashi oo bogaadin, dardaaran iyo talooyin wax ku ool ah siiyay Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ayaa Allah uga baryay in uu ku asturo kuna guuleeyo waajibaadka culus ee loo igmaday ee ah hogaaminta XFS.

Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Guddoomiye Cabdi xaashi taageerada uu u muujiyay iyo dadaalkii uu u galay qabsoomida doorashooyinkii ka dhacday dalka.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee JFS Xamse Cabdi Barre ayaa isla barqanimadii maanta waxaa uu booqasho iyo salaan ugu tagay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sh Aadan Maxamed Nuur oo ugu hambalyeeyay xilka qaran ee loo magacaabay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Gudoonka Golaha Shacabka ka codsaday in ay ku gacan siiyaan sidii uu u heli lahaa codka kalsoonida ee xildhibaanada Golaha, si uu u soo dhiso xukuumad cusub.

Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa in saacadaha soo socda uu kulamo kala duwan la qaato mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya & Dowlad Goboleedyada.

Xamse Cabdi Barre ayaa wada dadaallo ku aadan sidii ay xildhibaanada BFS ay usiin lahaayeen codka kalsoonida, waxaana xogo uu helay Telefishanka SMS SOMALI TV ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaaraha magacaaban uu maalinka Sabtida ah hortagayo Fadhiga Baarlamaanka si loogu qaado codka kalsoonida.