Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo hoygiisa ku booqday RW Xamsa.
Muqdisho : Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa hoygiisa magaalada Muqdisho waxaa uu ku qaabilay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen .
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi casiis Laftagareen ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha cusub in uu helay codka kalsoonida ee xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaa uuna u rajeeyay in Eebbe la garab galo waajibaadka qaran ee hor yaalla, oo ay ugu horreeyaan soo dhisidda Xukuumadda cusub.
Intaas kadib labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee xilligaan dalka sida Amniga, Abaaraha iyo sidii loo adkeyn lahaa wadashaqeyn dhexmarta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada dalka kajira.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Madaxweyne Cabdi casiis Laftagareen booqashada uu ugu tagay, isaga oo ballan qaaday in dhammaan dowlad Goboleedyada uu wadashaqeyn dhow la yeelan doono.
Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa dhawaan waxaa la filayaa inuu si rasmi ah ula wareego Xafiiska, waxaana intaa kadib laga sugayaa inuu soo dhiso golaha wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya.