Akoonada saxda ah ee looga qeyb qaadanayo Abaaraha oo la shaaciyay.
Muqdisho : Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Hogaanka Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Soomaaliya ayaa shaaciyay akoonnada rasmiga ah ee looga qeyb qaadanayo Gurmadka loo fidinayo dadka ay Abaaraha saameeyeen.
Ergayga iyo Guddiga ayaa bulshada Soomaaliyeed la wadaagay warbixin ku saabsan halka ay marayaan xaaladaha abaarta ka jirta guud ahaan gobolada dalka, taasoo ah middii ugu darneyn ee waddanka ka dhacda ku dhawaad muddo afartan sano ah.
Ergayga oo Madaxweynaha JFS ka wakiil ah iyo Hoggaanka Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa sheegay in la joogo xilligii aan si kala har lahayn shacab iyo madaxba looga qeyb qaadan lahaa gurmadka la gaarsiinayo dadka ay abaaraha ku hanti beelay.