Xildhibaanada Baarlamaanka oo maalintii Saddexaad kulan wadajir ah yeelanaya.
Muqdisho : Xildhibaanada Labada Gole Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalintii Saddexaad yeelanaya kulan wadajir ah, kaas oo ku saabsan sii wadida Akhrinta Saddexaad ee Miisaaniyadda dalka sanadka 2022.
Labadii maalin ee lasoo dhaafay Xildhibaanada Labada Gole waxaa hortagay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ay su’aalo weydiiyeen, iyaga oo siweyn uga dooday miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022.
Qaar kamid ah Xildhibaannada Labada Gole ayaa Wasiirka Maaliyadda ku eedeeyay in Shantii sano ee uu xafiiska joogay aysan wasaaraddiisa sameyn xisaabxir, isla markaana ay maqan tahay lacag lagu qiyaasay 193 Milyan oo Dollar.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in maanta go’aan laga soo saari doono miisaaniyadda dalka oo ay u badan tahay Xildhibaanada Labada Gole inay ansixiyaan.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Bayle ayaa kamid ahaa Wasiiro kooban oo aan xukuumadda ka dhicin Shantii sano iyo bilooyinka ee uu Madaxtooyada joogay madaxweynihii hore Maxamed C/laahi Farmaajo.