Xildhibaanada Labada Gole ee BFS oo ansixiyay Miisaaniyadda 2022.
Muqdisho : Xildhibaanada Labada Gole Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo kulan wadajir lahaa Saddexdii maalin ee udambeysay ayaa ugu dambeyn maanta ansixiyay miisaaniyadda Qaranka ee 2022-ka.
Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Saddexdii maalin ee lasoo dhaafay dood adag waxaa ay ka yeesheen Ajandaha la xariira Miisaaniyadda oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda XFS.
Xildhibaanada Labada Gole Saddexdii maalin ee lasoo dhaafay waxaa si joogto ah u hortagay oo ay Su’aallo u badan la xisaabtan iyo Xisaab xirka Miisaaniyadihii hore ee dalka weydiinayeen Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
Miisaaniyadda guud ee dawlada ee Sanadkaan 2022 ayaa waxaa ay gaaraysaa 918.7 milyan oo dollar, dood iyo su’aalo weydiin Saddex maalin qaadatay kadibna maanta ayaa waxaa haa ugu codeeyay 204 Xildhibaan, 2 waa ay ka aamuseen, 2 waa ay diideen, sidaas ayeyna ansax ku noqotay.