Khamiis, 26 Nofembar 2026
Siyaasadda

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay wafdi Itoobiya ka yimid.

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay wafdi Itoobiya ka yimid.

Hargeysa : Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa magaalada Hargeysa kulan kula qaatay wafti ka socda dalka Itoobiya oo hawlo shaqo u jooga deegaanada maamulka Somaliland.

Madaxweyne Biixi & Wafdiga uu qaabilay ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta xiriirka wada shaqayn waxaa kale oo kulanka looga wada hadlay arrimaha isu socodka ganacsiga labada dhinac.

Kulankaas waxaa Madaxweynaha ku wehlinayay Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Horumarinta Maaliyadda, Ganacsiga iyo Dalxiiska, Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka iyo Taliyaha Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland.

Dhinaca wafdiga ka socday Itoobiya waxaa ay ka koobnaayeen Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka, Wasiir, La-taliyaha Amniga Qaranka, Agaasime ku xigeenka Afrika ee wasaaradda arrimaha dibedda, Agaasimaha Amniga Badaha, iyo mas’uuliyiin kale.

Deegaanada Somaliland ayaa xad laleh dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxaana dowladda Itoobiya ay mar qeyb ka aheyd qorshaha mashruuca dekedda magaalada Berbera, inkastoo dhawaan la baahiyay xogta ah inay Itoobiya lumisay saamigii ay ku yeelan laheyd Dekedda Berbera.